Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa aad u dhaliilaya qaabka uu Benjamin Netanyahu u maareeyay dagaalka Gaza. Wareysi uu siiyay TF1 ayuu ku sheegay in waxa uu sameynayo Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil ay tahay “wax laga xishoodo”.
“Waxa ay dawladda Israa’iil samaynayso maanta waa wax aan la aqbali karin,” ayuu yidhi.
”Netanyahu wuxuu ballanqaaday inuu “xoog buuxda” ku qaadi doono Gaza maalmaha soo socda. Boqolaal kun oo qof ayaa halis ugu jira macaluul iyo masiibo bini’aadantinimo kadib markii Israa’iil ay joojisay gargaarkii ay siin jirtay Gaza, sida ay sheegeen Qaramada Midoobay iyo ururada gargaarka.
Si kastaba ha ahaatee, Macron ma doonayo inuu ka jawaabo su’aasha ah in waxa Gaza ka socda ay yihiin xasuuq.
Wararka ugu Danbeeyay ee Maanta
AD