Maanta oo Jimco Xaafada Rinkeby waxaa ka dhacay Rabshado ku aadan nin Cunsuri ah oo doonayay inuu halkaasi ku gubo Quraanka Kariim.
Xiliga dhacdada lagu soo aadiyay ayaa aheyd xili dadka muslimiinta ay ku jireen Salaada Madama Rinkeby ay ku badanyihiin dadka muslimiinta.
Siyaasiga Rasmus Paludan oo asal ahaan kasoo jeeda Dalka Denmark isla markana heesta dhalashada Sweden ayaa ka danbeeyay falkaasi.
Sida wararka sheegayaan Siyaasi ayaa yimid Rinkeby isagoo halkaasi ku gubay Quraanka xiliga ayaana lagu sheegay inay aheyd waqtiga Salaada oo dadka ku jiraan gudashada Salaada.
kadib falkaasi waxaa soo baxay dadka Muslimiinta inkastoo waqtigaasi uusan goobta ku sugneyn lakin waxaa iska hor imaad dhexmaray Booliska iyo Dadka ka Careysnaa falkaasi.
Ninkan ayaa Qorsheenaya inuu Banaan-baxyo ka dhigo Magaalooyin badan oo Sweden ah ayaa la kulmay Rashado looga soo horjeedo.