Home News in English Erdogan oo u hanjabay Dalka Giriiga isagoo sheegay inuu Tilaabao ka qaadayo

Erdogan oo u hanjabay Dalka Giriiga isagoo sheegay inuu Tilaabao ka qaadayo

0
Foto: AP/TT

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa Sabtidii mar kale Giriigga ku eedeeyay inay “qabsatay” jasiiradaha laga xoreeyay ee ku yaalla badda Aegean, sida ay qortay wakaaladda wararka ee Reuters. 

Wuxuu sidoo kale ku hanjabay tallaabooyin ka hortag ah oo lagu difaacayo jasiisada oo labada dal isku heestaan..

– Marka la gaaro waqtiga iyo saacadda saxda ah, waxaan sameyn doonaa waxa loo baahan yahay, ayuu yiri Erdogan.

Waxa uu sidoo kale ku booriyay Giriiga “inaysan iloobin Izmir”, oo tilmaamaya magaaladii Turkiga lagu qabsaday 1922 intii lagu jiray Dagaalkii Greco-Turkish.

Xaalada u dhaxeysa labada dal ee deriska ah iyo xubnaha NATO ayaa bilihii lasoo dhaafay noqday mid aad u kacsan. 

Dhowaan, Turkiga ayaa Giriigga ku eedeeyay inay “dhibaateynayaan” ciidamada Cirka ee Turkiga iyagoo xiray difaacyada lidka diyaaradaha ee diyaaradaha xilli jimicsi caadi ah.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here