Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan oo khadka taleefoonka kula hadlay Putin ayaa sheegay in kulanka Turkiga ku dhexmari doona labada hoggaamiye uu gacan ka geysan doono in la gaaro “xabad joojin waarta” iyo “xal mustaqbalka fog ah,” ayuu yiri xafiiska Erdogan.
Madaxweynaha Turkiga ayaa la sheegay in uu carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la ilaaliyo marinada bini’aadantinimo ee Ukraine.
Horaantii Khamiista, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Turkiga Mevlut Cavusoglu ayaa ka degay magaalada Lviv si uu ula kulmo dhiggiisa Ukraine Dmytro Kuleba.
Shir jaraa’id oo uu qabtay Cavusoglu ayuu ku sheegay in Turkiga uu ku faraxsan yahay inuu martigeliyo kulanka suurtagalka ah ee dhexmari doona madaxweynayaasha Ukraine iyo Ruushka.