Dugsiyada Dalka Sweden waxaa lagu bartaa luuqada Dalka Hooyo taasi oo ah Qorshe Dowlada dajisay oo muda shaqeenaya.
Luuqada la barto waxaa kamid ah Luuqada Somaliya oo Saacad laga qaato si ardayda ay luuqada wadankooda u bartaan.
Xisbiga SD ayaa hada qorsheenaya in la joojiyo Luuqada Hooyo ee lagu barto iskuulada guud ahaan.
Xisbiga ayaa doonaya in Heshiiska kala dhaxeeyo dowlada lagu daro qodobkan iyadoo baaritaan lagu sameenayo qaabka loo joojin karo luuqada.
Patrick Rislow oo kamid ah Xisbiga SD ayaa sheegay in aysan jirin sabab luuqad hooyo canshuur loogu bixiyo taasi badalkeeda loo baahanyahay in luuqada Sweden la bartay.
Wararka kale ee Maanta
AD