Home Wararka Caalamka Dowlwada Austria oo Joojisay Isku Keenista Qoysaska Kala Maqan

Dowlwada Austria oo Joojisay Isku Keenista Qoysaska Kala Maqan

0

Dowladda cusub ee Austria ayaa ku dhawaaqday in ay si degdeg ah u joojinayso hannaanka dib u midaynta qoyska ee muhaajiriinta, iyada oo ku doodday in waddanku aanu awood u lahayn in uu qaato dad cusub.

Si kastaba ha ahaatee, tirada guud ee soo galootiga Austraia ayaa ah mid hooseeya marka loo eego wadamada kale ee Midowga Yurub.

Hogaamiyaha Austria Christian Stocker ayaa sheegay in talaabada lagu joojinayo midaynta qoyska ay noqon doonto mid ku meel gaadh ah, isla markaana isku dhafka muhaajiriinta iyo qaxootiga ee hore ugu sugnaa dalka loo qaadan doono mudnaan sare wakhtigan.

“Awooda Australiya waa xadidan tahay, waana sababta aan u go’aansanay inaan ka hortagno culeys dheeraad ah,” Stocker ayaa u sheegay suxufiyiinta.

Ra’iisul wasaaraha cusub ayaa intaa ku daray in tallaabooyinkan looga baahan yahay si loo xaqiijiyo “tayada nidaamka dugsiyada, isdhexgalka iyo ugu dambeyntii ammaanka dhammaan nidaamyadeena,” iyadoo muujisay in isku dhafka magangalyo-doonka ee hadda jira loo tixgelin doono mudnaanta.

Soo jeedintu wali waa inay dhex martaa baarlamaanka, laakiin waxaa la rumeysan yahay in tirada badan ee jirta awgeed ay tani noqon doonto oo kaliya mid rasmi ah.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here