Wasiirka Socdaalka ee Sweden, Johan Forssell oo ka tirsan xisbiga muxaafidka, ayaa doonaya in la meelmariyo 12 hindise sharci oo la xiriira siyaasadda socdaalka inta lagu jiro gu’ga. Forssell Ayaa Doonaya in soo jeedinta la yiraahdo “dhaqan wanaagsan” ay sidoo kale quseyso dadka helay oggolaanshaha deganaanshaha ka hor inta uusan sharcigu dhaqan gelin, inkastoo baaraha dowladeed uu ka digay in hirgelinta dib-u-noqoshada ah ay khatar ku noqon karto dammaanadaha sharciga ee shakhsiyaadka.
Forssell ayaa u sheegay wargeyska Svenska Dagbladet in dowladdiisu si degdeg ah u shaqaynayso si ay u hirgeliso waxa uu ku tilmaamay “isbeddelkii ugu weynaa ee siyaasadda socdaalka ee Sweden”, iyadoo ay ka harsan yihiin sagaal bilood doorashada. Wuxuu intaa ku daray in baarlamaanka laga yaabo inuu gaabiyo fasaxa xagaaga haddii loo baahdo si xirmada sharciyada loogu dhammeeyo waqtigeeda.
Xirmada sharciyada waxay ka kooban tahay soo jeedimo lagu adkeynayo helitaanka jinsiyadda, iyadoo la dejinayo shuruudo cusub oo ku saabsan is-maamul dhaqaale, imtixaanno luqadda Iswiidhishka ah iyo aqoonta bulshada.
Sidoo kale, waxaa la adkeynayaa dib-u-mideynta qoysaska, iyadoo la soo jeedinayo waqti sugitaan oo gaaraya laba sano iyo in la kordhiyo shuruudaha dakhli-helidda.
Intaa waxaa dheer, sharciyada la soo jeediyay waxay adkeynayaan soo-galitaanka shaqaalaha ajaanibta ah, iyadoo la dejinayo shuruud mushahar cusub oo gaadhaya 90 boqolkiiba celceliska mushaharka dalka.
Waxaa kale oo ku jira hindise sharci cusub oo ku saabsan qaabilaadda magangalyo-doonka, kaas oo beddelaya xeerarka ku saabsan halka ay degayaan.







