Xoghayaha cadaallada iyo amniga wadanka Holland, Fred Teeven ayaa sheegay in wax laga badalay siyaasadihii dowladda ee arimaha magan-galyo doonka Soomaalida ah.
Qoraal uu aqalka labaad ee baarlamaanka u diray ayuu ku sheegay in qofkii cadeeya in uu naftiisa u baqayo , sababta cabsidiisuna tahay in qofkaasi ka mid yahay dadka Al-shabaab beegsanayso uu deggenaasho xaq-u leeyihiin .
Fred Teeven ayaa tilmaamay in kooxda Al-shabaab ay kordhisay dhaq-dhaqaaqa ay ka wado Muqdisho ayna bartilmaameed ka dhigtay dadka dowladda u shaqeeya ,kuwa garsoorka qaranka ka howl galah ,ciidanka AMISOM iyo kan dowladda , dadka u shaqeeya hay’adaha caalamiga ah iyo dadka Al-shabaab oga shakido in ay dowlada basaas u yihiin.
Isla masuulkaan ayaa bishii hore sheegay in Soomaalida magan-galyo doonka ah dib loogu celinayo soomaaliya uuna ka soo raynayo xaalka magaalada Muqdisho, asagoona intaasi raacshay in sanadadii tagay Holland 10 qof ku celisay soomaaliya . Xiligaas waxaa masuulkaan lagu eedeeye hubsi la’aan iyo in uusan xog badan ka hayn soomaaliya.