Home Wararka Caalamka Dowlada Sweden oo sii Adkeneysa Sharuudaha Qoysaska leesku Keeno

Dowlada Sweden oo sii Adkeneysa Sharuudaha Qoysaska leesku Keeno

0

Dowlada Sweden ayaa ku dhawaaqday inay sii Adkeneyso Sharuudaha looga baahanyahay Qofka doonaya in loo keeno Qoyskiisa xaas/nin iyo Caruurtiisa.

Wasiirada Socdaalka oo Shir Jaraa’id u qabatay Warbaahinta ayaa Sheegtay in loo baahanyahay Sharuudo dheeri ah oo looga baahanyahay qof walbo oo doonaya Faamilkiisa.

Sharuudaha Cusub ee Dowlada Dooneysa waxaa ugu weyn in Qofka Dacwada u furaya Qoyskiisa uu Dabooli karo Nolosha Qof walbo oo kamid ah Qoyskiisa.

Sida lagu sheegay Shirka Jaraa’id Dowlada ayaa baaritaan u saartay gudi kasoo talo bixiya Sharuudaha Cusub ee Dowlada Qorsheeneyso.

Maria Malmer Stenergard ayaa Hadalkeeda ku dartay in arintan looga golleeyahay sidii loo heli lahaa bulsho ka dhisan dhinac walbo.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here