Home News in English Sweden oo ku Dhawaaqday Xayiraado Cusub oo Gudaha Dalka Ah.

Sweden oo ku Dhawaaqday Xayiraado Cusub oo Gudaha Dalka Ah.

0
Photo: Anders Wiklund / TT

Sida la filayay Dowlada Sweden ayaa maanta ku dhawaaqday Xayiraado Cusub oo ku aadan Xaalada Corona ee Dalka ka jirka.

Dowlada iyo Qeybta Caafimaadka ayaa maanta ku dhawaaqay talo soo jeedin ku aadan in Qof walbo uu ku shaqeeyo guriga hadii uu awooda iyo in kulamada laga dhigo 20 qof marka dad meel iskugu yimaadaan.

Xayiraadaha Cusub iyo Talaayinka waxaa kamid ah

1 in Qofka uu ku Shaqeeyo guriga hadii uu awoodo.

2 Dadka ku kulmaya goobaha Maqaayadaha in ay noqdaan 8 qof ugu badnaa.

3 Goobaha Dadweynaha iskugu yimaadaan sida Ciyaaradaha iyo Goobaha lagu damaashaado 20 qof iyadoo dadkaasi la eegayo inay heestaan Warqada Talaalka waa hadii ay fadhi leedahay goobta.

4 Goobaha ay ku kulmi karaan 500 Qof waa in ay heestaan Talaalka iyo sidoo kale fogaan isku jirsiga labada mitir.

Guud ahaan waa talo soo jeedin warkan ha u fahmin si kale dowlada ayaana xili walbo soo rogi karta in laga dhigo xayiraadaha kuwa lagu muteesan karo ganaax sida dhacday sanadkii hore.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here