Home Wararka Caalamka Dowlada Sweden oo go’aan ka gaartay Saddex Codsi oo Quraanka lagu gubayay

Dowlada Sweden oo go’aan ka gaartay Saddex Codsi oo Quraanka lagu gubayay

0

Todobaadkii hore ayay ahayd markii booliska Sweden ay heleen codsiyo dhowr ah oo cusub oo ku saabsan in la gubo kutubta barakeysan oo uu ka mid yahay qur’aanka kariimka ah.

Ninka Ciraaq ah oo lagu magacaabo Silwaan Momica, ayaa saddex codsi oo ku saabsan in Qur’aanka lagu gubo afaafka hore ee safaaradda Iran ee Stockholm, afaafka hore ee Masjidka Fes ee koonfurta Stockholm iyo bartamaha caasimadda.

Maanta, si kastaba ha ahaatee, booliiska ayaa ku dhawaaqay in Momica lagala laabtay dhammaan seddexdii codsi.

Waxayna Silwan Momica iyo Silwaan Najm ay shalay ku gubeen nuqul ka mid ah Qur’aanka Kariimka ah baarlamaanka Sweden hortiisa , ka dib markii ay shirar noocan oo kale ah ay hore u horseedeen cawaaqib xumo siyaasadeed, iyo khataro amni iyo mid argagixiso oo Sweden soo food saartay.

Ku dhawaaqista warkan ayaa ku soo beegmaysa shir jaraa’id oo ay qabteen ra’iisul wasaaraha Sweden Ulf iyo wasiirka arrimaha gudaha Gunnar Strömer oo ay kaga hadleen arrinta ku saabsan gubashada qur’aanka kariimka

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here