rasmi ah oo qoraal ah, kuwaas oo waafaqsan habraacyada caalamiga ah ee iskaashiga horumarinta.
Kaalmada horumarineedna waxaa lagu hagaa mudnaanta qaran ee Soomaaliya, iyadoo si hufan loo marsiiyo nidaamyo caalami ah oo lagu sameeyo kormeer iyo xisaab-celin joogto ah.
Ugu dambeyn, war saxaafadeedka ayaa lagu yiri “Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale ku celisay sida ay uga go’an tahay daahfurnaan, isla-xisaabtan iyo anshax sare dhammaan iskaashiyada ay la leedahay beesha caalamka, iyadoo muujisay qaddarin ay u hayso xiriirka soo jireenka ah ee kala dhexeeya Dowladda Sweden, isla markaana ay diyaar u tahay wadahadal ku dhisan xaqiiqo, kalsooni iyo ixtiraam caalami ah.”
Wararka ugu Danbeeyay ee Maanta
AD







