Dowlada Sweden ayaa diiday Sharci Awood siinaya Shirkadaha ama Shaqaaleeyaha Shaqada sharcigan oo dhigaya in si dhaqso ah shaqada looga eryi karo Qofka shaqyeeya taasi oo maanta ka duwan sidaasi.
Sharciga Shaqada ayaa maanta simaya labada Qof waxaana uu ilaalinayaa Qofka Shaqeeya taasi oo dhigeysa in Shaqaaleeyaha uusan ku dag dagi karin shaqa ka eryida Qofka Shaqeeya go’anka Dowlada waxaa warbaahinta DN u sheegtay Wasiirada Shaqada Eva Nordmark.
Eva Nordmark ayaa Sababta ugu weyn ee Sharcigan loo diiday ku tilmaamtay mid kasoo horjeeda Xuquuqda bulshada wada siman madama hal dhinac uu awood siinayo.
Sharcigan Cusub waxa uu leeyahay Faa’idooyin kale oo ah in tixgalin shaqo lasiiyo Qofka shaqeeya 9 bilood Sadax sano gudahood halka maanta ay tahay 12 bilood.
Xisbiyo ku jira Dowlada ayaa durbo soo dhaweeyay go’anka dowlada ay ka gaartay baaritaanka Sharcigan.
Somaliska Stockholm
Asalaamu calaykum Waraxmatu Wabarakaatuhu . Go,aan Fiican Xayse kugu taalaa Inbadan oon Aniga aan kamid ahay Waxba uguma yaalo Maxaa yeeley Arbetssökande.com