Home Wararka Caalamka Dowlada Mareykanka oo Nairobi u Wareejisay Wareysiyada Fiisaha Socdaalka ee Somalida

Dowlada Mareykanka oo Nairobi u Wareejisay Wareysiyada Fiisaha Socdaalka ee Somalida

0

Dowladda Maraykanka ayaa ku dhawaaqday in laga bilaabo 1-da Nofeembar 2025 dhammaan wareysiyada fiisaha socdaalka ee dadka ka imaanaya Soomaaliya iyo Koonfurta Suudaan lagu qaban doono safaaradda Maraykanka ee Nairobi, Kenya.

Tallaabadan ayaa qeyb ka ah xeerar cusub oo dhigaya in codsadayaasha fiisaha socdaalka ay wareysiga ku galaan qunsuliyadda mas’uulka ka ah meesha ay deggen yihiin, ama dalka dhalashadooda haddii ay sidaas codsadaan.

Dadka ka imaanaya Eritrea ayaa wareysiyadooda ku geli doona Nairobi ama Addis Ababa, halka kuwa ka socda Suudaan lagu qaban doono Qaahira, iyo dadka reer Suuriya oo loo diri doono Camman ama xaalado gaar ah Bayruut.

Dalal kale oo aan lahayn adeegyo qunsuliyadeed oo joogto ah ayay Dowladda Maraykanka sheegtay in loo qoondeeyay xarumo gaar ah, sida Jabuuti oo loogu talagalay dadka reer Yemen iyo Johannesburg oo loogu talagalay dadka reer Zimbabwe.

Waxaa kale oo la sheegay in xeerarkan cusub ay khuseyn doonaan codsadayaasha barnaamijka Diversity Visa (DV Lottery) laga bilaabo sannadka DV-2026, taasoo micnaheedu yahay in guuleystayaasha Green Card-ka Maraykanka wareysiyadooda lagu xiro halka ay deggen yihiin ama dalalka dhalashadoodu tahay.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here