Dowlada Irland ayaa ka hadashey Qaxootiga sida xad dhaafka u soo galay dalkeeda ee ka imaanaya Caalamka iyo wadamada ugu badan.
Irland ayaa sidoo kale ka hadashey Wadamada ka danbeeya in Qaxootiga ay dalkooda soo galaan una fududeeya.
Dalalka, Ukraine, Suuriya, Somaliya iyo Negeria ayaa lagu sheegay wadamada ugu badan ee sida aadka ah Dadkooda u soo galaan wadanka.
Warbaahinta gudaha ayaa si xoogan u qoreysa in Qaxootiga si xad dhaaf ah u soo galaan dalka isla markana ay dagaan Hotelada ugu waaweynaa dalka taasi oo keentay in Dalxiisayaasha aysan sanadkan imaan dalka.
Xaalada Cakiran ee Irland ayaa sabab noqotay in Dowlada u fadhiisato isla markana diyaariso qaababka ugu fudud ee looga hortagi karo dadkaasi.
Irland ayaa eedeyn adag u jeediyay Dalka UK kuwaasi oo sheegeen in Maalmihii ugu danbeeyay ka yimaadeen Qaxooti badan madama dalkaasi uu soo saaray Sharci Qaxootiga lagu geenayo Afkrica.