Home Wararka Caalamka Dowlada Iiraan oo war kasoo saartay Dilkii loo geestay Ismaaciil Haniyeh

Dowlada Iiraan oo war kasoo saartay Dilkii loo geestay Ismaaciil Haniyeh

0

Ciidanka Ilaalada Kacaanka Iran ayaa warbixintii u horreysay ka soo saaray howlgalkii lagu dilay madaxii xafiiska siyaasadda Xamaas, Ismaaciil Haniyeh oo ka dhacay dhisme ay ilaaliyaan ciidanka Ilaalada Kacaanka oo ku yaalla Tehran.

Iran waxay sheegtay in howlgalka dilka loo adeegsaday gantaal gaaban oo uu ku xiran yahay madax qarxa oo culeyskiisa lagu qiyaasay 7kg, balse lama sheegin haddii gantaalka uu ahaa mid laga soo ridday dhulka, la hagayay ama ay soo ridday diyaarad ku dhowaatay dhismaha lagu dilay Haniyeh, iyadoo mar kale dilkan ay Iran ku eedeysay inay ka dambeysay Israa’iil oo taageerro ka helaysa Mareykanka.

Waxaa warbixinta ciidanka Ilaalada Kacaanka lagu sheegay jawaabta Tehran ee dilka Haniyeh inay noqon doonto mid darran oo waqtiga iyo goobta ugu habboon lagu beegsan doono.

Sidoo kale, maanta waxay warbaahinta Iran baahisay in howlgallo ay fuliyeen sirdoonka iyo ciidanka ilaalada Kacaanka in lagu xiray in ka badan 20 qof oo ay ku jiraan saraakiil sare oo sirdoon ah iyo saraakiil ciidan Ilaalada Kacaanka ka tirsan, kuwaaso la xiray doorkooda dilka Haniyeh.

Dhinaca kale, Wargeyska Telegraph ee ka soo baxaya Ingiriiska ayaa isagoo ka warramaya habka uu u dhacay howlgalkii lagu dilay , Ismaaciil Haniyeh wuxuu sheegay inay sirdoonka Israa’iil ee Mossad shaqaaleysiiyeen xubno ka mid ah Ilaalada Kacaanka Iran oo mas’uulka ka ahaa ammaanka goobta lagu dilay Haniyeh, kuwaasoo walxaha qarxa ku xiray saddex qol oo ka mid ah dhismaha la dejiyay Haniyeh.

Iran waa dalka ugu badan ee waddamada shisheeye ay si dhibyar laamaha dawladda ku dhex galaan, illaa heer Ingiriiska uu ku guuleystay inuu shaqaaleysiiyo  Wasiir ku-xigeenkii Gaashaandhigga Iran, Cali Akbari oo xukun dal dalaad ah lagu fuliyey 14 bishii January 2023 markaasoo ay Iran ku eedeysay inuu basaas u ahaa hay’adda sirdoonka Britain ee MI6.  Sidoo kale , isla Ingiriiska ayaa shaqaaleysiiyay xoghayihii golaha ammaanka Qaranka Iran, Ali Shamkhani.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here