Mahamed Mahamud oo asal ahaan kasoo jeeda Dalka somaliya isla markana sharciga Norway horay looga ceshtay ayaa hada markale waxa uu diidmo ka helay Dowlada Dalka Iceland,
Mahamed Ayaa hada la filayaa in uu ku soo laabto Dalka Norway 8 may sida uu ku warmayo TV2 waxana diidmadiisa loo sababeeyay sharciga yurub oo dhigay in qof iska dhiibay Dal yurub ah uusan iska dhiibi karin Dal kale,
” Aniga waxaan ku socday safar aan ku tagayo Dalka Canada hase yeeshee waxaa i qabtay Dowlada Iceland waxaan u sheegay dhamaan macluumaadkeyka waxayna ii sheegeen in aan iska dhiibo dalkooda ” Mahamed ayaa sidaasi u sheegay TV2.
Mahamed ayaa waayay sharciga muwaadinimo ee Norway sanadkii lasoo dhaafay waxaana uu ka shaqeen jiray isbitaalka Ullevål Hospital ee dalkaasi.
Wixii ku soo kordha lasoco
Somaliska Norway