Home Wararka Caalamka Dowlada Germalka oo Al-baabada u xirtay 50 Xaruumood oo Islaami Ah

Dowlada Germalka oo Al-baabada u xirtay 50 Xaruumood oo Islaami Ah

0

Booliiska Jarmalka ayaa maanta gudaha u galay xarunta ugu weyn Shiicada ee ku taalla Hamburg iyo illaa 50 xarumood oo kale oo ay xaruntan maamusho, iyagoo ku eedeyay xaruntan iyo daladdaha hoos taga ee ay ku leedahay Jarmalka inay sharci-darro tahay

.Xaruntan Islamic Center Hamburg (IZH) oo sidoo kale loo yaqaan Masjidka Buluuga ah, ayaa Iiraaniyiin dalkooda laga soo masaafuriyay waxay aasaaseen sannadkii 1953-dii, tan iyo kacaankii Iran ee 1979, waxay xaruntan xiriir la lahayd dawladda Iran.

Jarmalka ayaa lagu eedeynaya inuu tallaabadan u qaaday, isagoo fulinaya codsi ka yimid Israa’iil, waxaana xaruntan lagu eedeeyay inay maalgeliso Xisbullah oo taageerta Xamaas iyo faafinta dacaayaddaha Iran.

Iran oo ka jawaabaysa tallaabadan; wasaaradda Arrimaha dibadda Iran, waxay u yeertay Safiirka Jarmalka u fadhiya Tehran si ay su’aallo uga waydiiso xayiraadda uu Jarmalka ku soo rogay xarunta Shiicada Jarmalka.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here