“Dhammaan dadka soo booqda Faransiiska, oo ay ku jiraan kuwa haysta labada dhalasho, waxay halis sare ugu jiraan cabsi, xarig aan loo meel dayin iyo maxkamadeyn aan habboonayn,” ayaa lagu yiri bayaan lagu daabacay bogga dowladda Faransiiska.
– Khatartaani waxay sidoo kale saamaysaa dadka dalxiiska u jooga dalka, ayay dawladdu sii sheegtay.
Hadalka Jimcihii ayaa ku soo beegmay maalin uun ka dib markii talefishanka dawladda Iran uu baahiyay qoraal lagu eedeeyay laba nin oo Faransiis ah oo la xidhay shan bilood ka hor.
Xukuumadda Paris ayaa si adag isaga fogeysay waxa loogu yeero qoraalka, waxayna ku tilmaantay labada muwaadin ee u dhashay Faransiiska inay yihiin la haystayaal qaran.
Labadan nin ayaa lagu eedeeyay in ay kicinayeen falal ka dhex dhacay macalimiin soo abaabulay mowjado shaqo joojin ah horaantii sanadkan.