Home Wararka Caalamka Doorashada Faransiiska:- Xisbiyada Garabka Bidix ee NFP oo guuleestay

Doorashada Faransiiska:- Xisbiyada Garabka Bidix ee NFP oo guuleestay

0

Isbaheysiga xisbiyadda garabka Biddix New Popular Front (NPF) ayaa si lama filaan ah ugu guuleystay doorashada Baarlamaanka dalka Faransiiska oo horey looga cabsi qabay inay ku guuleystaan xisbiga midigta fog ee xagjirka ah ee ajaanibta neceb Rally National (RN).

Xisbiga NPF, ee kuraasta ugu badan helay ayaa ah mid ay si weyn u taageereen muslimiinta iyo dadka laga tiro baddan yahay, waxaana qorshihiisa kamid ah aqoonsiga dalka Falastiin iyo sare u qaadida mushaharka Shaqaalaha.

Xisbiga RN, ee kasoo horjeeda dadka soogalootiga ah oo helay cododkii ugu badnaa ee wareegii kowaad ee doorashada ayaa la saadaalinayey inay guuleystaan, balse waxaa si lama filaan ah guusha u raacday xisbiyada isbaheystay ee garabka Biddix oo kasoo horjeeda inay cunsuriyiinta helaan awooda Baarlamaanka.

Ololaha New Popular Front (NPF) oo garab ka helaya shacabka isbedal doonka ah iyo ururada & Iskaashatooyinka Shaqaalaha ayaa sameeyey dadaal ay awoodooda ku mideenayaan iyagoo helay kuraas gaareysa 182 kursi.

Xisbi Xaakimka Madaxweyne Macron oo kaalinta 2aad galay ayaa helay 168 kursi.

Xisbiga cunsuriyiinta ee Rally National (RN) ayaa helay 143 kursi.

Halka Xisbiga Jamhuuriga uu helay 45 kursi oo kaliya.

Baarlamaanka Faransiiska oo ka kooban 577 kursi ayaa waxaan hada jirin hal xisbi oo heysta codka aqlabiyadda oo ah 289 cod.

Waxaana hada muuqata in Baarlamaanka u kala qeyb samay saddex awoodood oo si weyn ugu kala duwan fikirka siyaasadda.

Raysalwasaaraha Faransiiska Gabriel Attal oo ka tirsnaa xisbi Xaakimka ayaa maanta oo Isniin ah ku dhawaaqay is-casilaadiisa, xili xisbiga Guuleystay ee NPF ugu baaqay Madaxweyne Macron inuu soo dhiso xukuumad cusub oo kasoo jeeda garabka Biddix.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here