Home Wararka Caalamka Diyaarado dagaal oo laga leeyahay dalka Shiinaha oo ku sugan hawada Taiwan

Diyaarado dagaal oo laga leeyahay dalka Shiinaha oo ku sugan hawada Taiwan

0

Tiro ka mid ah diyaaradaha militariga Shiinaha ayaa galay hawada Taiwan, sida ay sheegeen maamulka Taiwan.

Waxaa jira 22 diyaaradood oo kuwa dagaalka ah, marka lagu daro diyaaradaha kale ee militariga. Dhacdadan ayaa ka dhacday meel u dhow jasiiradda Pratas, oo aad uga fog Taiwan lafteeda, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Reuters.

Diyaarado dagaal oo Taiwan laga leeyahay ayaa loo diray inay la kulmaan diyaaradaha Shiinaha. Ku xadgudubka hawada waxaa lagu tilmaamay kii ugu ballaarnaa tan iyo bishii Janaayo.

Todobaadkii hore ayay ahayd markii ciidamada Shiinaha ay ku dhawaaqeen in dhoolatus ay ka sameeyeen gobolka Taiwan ay uga digayaan wada shaqeynta jasiiradaasi ay la leedahay Mareykanka.

Ka hor, madaxweynaha Mareykanka Joe Biden wuxuu sheegay in Mareykanka uu ku lug yeelan doono militari ahaan haddii Shiinaha uu weeraro Taiwan. Maalintii xigtay, si kastaba ha ahaatee, wuxuu ku nuuxnuuxsaday in aan wax isbeddel ah lagu samayn siyaasadda Taiwan ee Maraykanka

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here