Home Wararka Caalamka Dilka Wiil Somali ah loogu geestay Sweden oo Warar kala duwan kasoo...

Dilka Wiil Somali ah loogu geestay Sweden oo Warar kala duwan kasoo baxayo

0

Mudo laga joogo labo todobaad waxaa dalka Sweden gaar ahaan Nynäshamn ka dhacay Dil ay ka naxeen Dadka Somalida ee ku nool Dalka Sweden kadib markii Wiil Somali ah oo lagu magacaabo Mohamed laga helay Meydkiisa goob Keyn ah isagoo tooray lala dhacday jirkiisa.

Dhacdadaasi kadib waxaa la waayay Wiil kale oo ilaa iminka la layahay Raqdiisa meyd ahaan iyo Nolol ahaan Wiil kan kale ayaa ku noolaa Nyköping.

Booliska Sweden gaar ahaan Qeybta Stockholm oo dhacdadan baaritaan ku waday ayaa sheegay in ay soo qabanayaan Wiil 15 Sano jir ah oo ka danbeeyay falka lagu afduubtay Wiilka la yahay ilaa iminka.

Booliska ayaa baaritaankiisa ku eegaya in uu xiriir ka dhaxeeyo labada fal ee labada wiil lagu sameeyay Madama Mohamed oo 14 jir ah meydkiisa la helay 29 july halka wiilka kale la waayay 27 july.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here