Home Wararka Caalamka Dil ka dhacay Dalka Austria oo keenay Dood ku aadan Musaafurinta Qaxootiga

Dil ka dhacay Dalka Austria oo keenay Dood ku aadan Musaafurinta Qaxootiga

0

Dil foox xun ayaa loo geestay gabar 13 jir ah oo ku nool dalka Austria taasi oo keentay dooda siyaasiyiinta si loo musaafuriyo Qaxootiga Afghanistan. Kooxaha u dooda xuquuqda ayaa ku eedeyay dowlada in ay u adeegsatay danbigaasi in dad badan ay musaafuriso.

In kasta oo xaalada amaan ee Afghanistan ay kasii darayso, wadamo badan oo ka tirsan Midowga Yurub waxay sii wadaan duulimaadyada masaafurinta ee Kabul. Kooxaha u dooda xuquuqda iyo ururada gargaarka ayaa ku baaqay in la joojiyo tarxiilka sababa la xiriira xasilooni darada wadanka ka jirta oo sii kordheysa.

Austria gudaheeda, dilka gabar 13-sano jir ah waxay noqotay dooda magangalyada iyo masaafurinta gudaha isbaheysiga dowlada ee muxaafidka ÖVP iyo Greens. Gabadha oo ka timid magaalo yar oo ku taal Lower Austria, ayaa maydkeeda laga helay Vienna bishii Juun.

 Afarta eedeysane ayaa lagu soo waramayaa inay ka danbeeyeen kuwaasi oo da’dooda u dhexeyso 16 ilaa 25 sano jir waxayna dhammaantood ka soo jeedaan dalka Afghanistan.

Mid ka mid ah tuhmanayaasha, waa 18 jir reer Afghanistan ah, wuxuu ku sugnaa Austria ilaa iyo sanadkii 2015. codsigiisa magangalyo waa la diiday waana la masaafurin lahaa.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here