Home Wararka Caalamka Dhismaha Barlamaanka Finland oo laga helay qof Meyd ah

Dhismaha Barlamaanka Finland oo laga helay qof Meyd ah

0

Booliska Finland ayaa ku dhawaaqay in qof meyd ah laga helay gudaha dhismaha baarlamaanka ee bartamaha Helsinki saaka oo Talaado ah. Wargeyska “Iltalehti” ayaa qoray in marxuumka la dilay uu ka tirsanaa baarlamaanka Finland.

Madaxa amniga ee baarlamaanka, Aro Toivonen, ayaa xaqiijiyay in qof meyd ah laga helay gudaha dhismaha, balse ma uusan sheegin qofkaasi aqoonsigiisa iyo faahfaahin kale.

Waxa uu u sheegay wargeyska, “Tani waa dhacdo aad looga xumaado oo murugo leh.”

Dhankooda, booliiska Finland ayaa sheegay in meydka la helay abaare 11:00 subaxnimo, iyagoo intaas ku daray inaysan xilligaan ka shakisaneyn fal iskuday dil ah.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here