Home Wararka Caalamka Denmark oo Caruurta ka Mamnuuceysa Isticmaalka Baraha Bulshadaha

Denmark oo Caruurta ka Mamnuuceysa Isticmaalka Baraha Bulshadaha

0
Foto: Martin Sylvest/AP

Ra’iisal wasaaraha Denmark Mette Frederiksen ayaa ku dhawaaqday in dawladdeedu ay doonayso in ay carruurta da’doodu ka yar tahay shan iyo toban jir ka mamnuucdo isticmaalka baraha bulshada, tallaabadaas oo looga gol leeyahay in carruurta lagaga ilaaliyo saamaynta dunida casriga ah.

Ku dhawaaqista ayaa timid xilli ay Frederiksen khudbad ka jeedinayay furitaanka kalfadhiga cusub ee baarlamaanka, halkaas oo ay ku xaqiijisay in “tiro ka mid ah baraha bulshada laga mamnuuci doono inay carruurtu isticmaalaan,” iyadoo aan la sheegin magacyada, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee TT.

Frederiksen ayaa sharraxay, in go’aankani uu ku yimid qayb ka mid ah dadaallada dowladda ee lagu dhimayo khatarta nafsiga ah iyo bulsheed ee carruurta ay la kulmaan isticmaalka xad-dhaafka ah ee codsiyada dhijitaalka ah iyo aaladaha

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here