Warbixintu si cad uma muujin doonto mowqifka dowladda ee arrintan, sida uu qoray wargayska Iltalehti . Raiisel wasaare Sanna Marin ayaa sheegtay ka hor dhamaadka todobaadka in mawqifkeeda uu soo bixi doono marka la eego tixgalinta siyaasadeed ee warbixinta.
Wasiirka arrimaha dibadda Pekka Haavisto ayaa Iltalehti u xaqiijiyay in dowladdu ay ka shaqaynayso diyaarinta codsiga xubinnimada NATO. Ilaha ayaa u sheegay wargeyska in go’aanka codsiga la gaari karo inta lagu jiro qeybta hore ee May.
Madaxa NATO Jens Stoltenberg ayaa sheegay in Sweden iyo Finland ay ku taalo go’aan ka gaarista inay doonayaan inay ku biiraan NATO.
– Laakiin haddii ay codsadaan, waxaan filayaa in 30-ka xulafada ay soo dhaweynayaan, isagoo hadalkaasi ka yiri ka hor shirkii wasiirrada arrimaha dibadda ee isbahaysiga ee Brussels toddobaadkan.