Home Wararka Caalamka Darawal Shatiga (Körkort) loogala wareegay baraf dusha gaariga saarnaa dartiis

Darawal Shatiga (Körkort) loogala wareegay baraf dusha gaariga saarnaa dartiis

0

Bilowgii sanadka, xilli baraf xooggan uu dalka ka da’ayay, ayaa ciidamada boolisku waxay magaalada Timrå ku joojiyeen gaari uu daboolay baraf aad u badan.

Ninka looga shakisan yahay falkaan ayaa xilli su’aalo la weydiinayay sheegay in barafku uu ahaa mid fudud (boore ah) uuna si fiican wax u arkayay. Waxa uu qirtay inuu ka cagajiiday inuu barafka ka tirtiro saqafka sare ee gaariga sababtoo ah wuxuu ku jiray degdeg.

Darawalka ayaa hadda lagu eedeynayaa taxaddar la’aan xagga taraafikada ah.

Booliska ayaa goobta ninka. Lagu joojiyay uga qaaday Shatiga darawalnimada

Ninka ayaa iska fogeeyay eedeymaha loo soo jeediyay, isagoo ku doodaya inuusan wax sharci darro ah sameyn.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here