Maxkamad ayaa lasoo taagay mid kamid ah darawalada kaxeeya basaska kaasi oo hurday xili uu waday rakaab.
Falkan shilka ah ayaa kadhacay inta u dhaxeysa Alingsø iyo Borås bishii march ee lasoo dhaafay sida uu baahiyay warsidaha gp.
xeer ilaaliya kiiskan ayaa soo jeediyay in darawalka la ganaaxo 40 maalmood iyo bixinta lacag gaareysa 2,000 kr.
Dhacdadan oo dhacday subaxnimadii Axadda, markii rakaabku ay dareemeen gariir xooggan oo baska ku jira, waxayna kadib arkeen gaariga oo dhanka keynta u baxay ku ka hor inta uusan basku godka gelin.
Qaar kamid ah darawalada basaska ayaa kaxeeya basaska iyagoo kasoo baxay shaqoyin kale taasi oo keenta inay galaan shilal aad u culus ee Sababa dhimasho.
Wararka ugu Danbeeyay ee Maanta
AD