Daraasad cusub oo ay samaysay Jaamacadda Linköping (LiU) ayaa muujisay inuu jiro kala duwanaansho weyn oo ku saabsan aragtida siyaasadda Qaxootiga ee u dhaxaysa dowladda dhexe iyo degmooyinka. Daraasadda ayaa tilmaamaysa in tiro badan oo degmooyin ah ay doonayaan inay qaabilaan muhaajiriin ka badan inta ay oggo shahay siyaasadda hadda ee dowladda.
Daraasadda waxaa lagu sameeyay su’aalo (survey) ay diyaariyeen koox cilmi-baarayaal ah, waxaana ka mid ah Ellen Ram, oo ah ardayad PhD ah kana tirsan waaxda cilmi-baarista Socdaalka, qowmiyadaha iyo bulshada ee jaamacadda. Natiijooyinka su’aalaha ayaa muujinaya in degmooyin badan aysan si buuxda u taageersanayn siyaasadda adag ee dowladda ee arrimaha Socdaalka.
Ellen Ram ayaa u sheegtay Raadiyaha Iswiidhan in “kala duwanaanshaha aragtiyaha uu yahay mid cad, maadaama degmooyinku ay Qaxootiga u arkaan fursad ama baahi dhanka dhaqaalaha iyo bulshada ee maxalliga ah, halka dowladda ay diiradda saarayso yaraynta tirada dadka imanaya.”
60% degmooyinka ayaa ka qayb qaatay
Inkasta oo su’aalaha aan loo dirin dhammaan degmooyinka Iswiidhan, haddana ku dhawaad 60% degmooyinka dalka ayaa ka qayb qaatay. Si kastaba ha ahaatee, cilmi-baaruhu waxay ku adkaysanaysaa in natiijooyinku ay si guud u muujinayaan jihada aragtiyeed ee maamulada maxalliga ah.







