Saturday, August 23, 2025
Home Wararka Maanta Dalka Norway oo laga helay Meyka Nin Swedhish ah oo la la’aa...

Dalka Norway oo laga helay Meyka Nin Swedhish ah oo la la’aa mudo 6 bilood ah

0

Nin u dhashay dalka Sweden oo da’diisa lagu qiyaasay soddon jir, kaas oo la la’aa tan iyo bishii November ee sannadkii 2024-kii, ayaa maydkiisa laga helay biyaha webiga Glommen ee dalka Norway, sida ay sheegtay dhowr warbaahin.

Booliska Norway ayaa muddo dheer ka shakiyay in ninkan oo ka soo jeeda Eskilstuna la dilay.

Meydka ayaa laga helay meel 1.5 mayl u jirta beer ay booliisku ka heleen dukumeentiyo uu ninkan la xiriiro baaritaanka, sida uu qoray wargeyska Eskilstuna-Kureren .

Labo nin oo u dhalatay dalka Norway ayaa in muddo ah xabsiga loo taxaabay kadib markii lagu eedeeyay dambiyo.

Nin sadexaad oo u dhashay dalka Sweden ayaa lagu xiray dalka Thailand, waxaana loo gacan galiyay Norway, kadib markii lagu eedeeyay inuu ku lug lahaa dilka ninka Swedishka ah.

K

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here