Home Wararka Caalamka Dalalka Faransiiska iyo UK oo ka hadlaya Khilaafka u dhaxeeya

Dalalka Faransiiska iyo UK oo ka hadlaya Khilaafka u dhaxeeya

0

Faransiiska ayaa dib uga laabtay khilaafkii kala dhaxeeyay UK ee ku saabsanaa xuquuqaha kalluumeysiga ee ka dib ka bixitaankii UK midowga Yurub waxayna meesha ka saareen cunaqabateyn la qorsheeyay saqda dhexe iyadoo Britain ay muujisay inay si wax ku ool ah u qaadayso shatiyada kalluumeysiga.

Madaxweyne Emmanuel Macron, oo ka qayb galaya shirka 26-aad ee Qaramada Midoobay ee isbeddelka Cimilada, ama COP26, oo ka dhacaya Glasgow, Scotland, ayaa u sheegay suxufiyiinta in aan cunaqabatayn la qaadi doonin inta ay socdaan wada xaajoodyada u dhexeeya Faransiiska, UK iyo Guddiga Yurub.

Britain ayaa dhankeeda ku boorisay Faransiiska inuu ka laabto hanjabaadaha la xiriira kastamka oo kordhay iyo hubinta fayadhowrka ee badeecadaha iyo xamuulka ka imaanaya UK iyo mamnuucista maraakiibta kalluumeysiga ee Britain inay wax soo saarkooda ku dejiyaan dekeddooda, taasoo carqaladeyn doonta ganacsiga labada waddan.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here