Hogaamiyayaasha Britain iyo Faransiiska ayaa ku dhawaaqay faahfaahinta qorshaha dib u soo celinta muhaajiriinta dhamaadka booqasho saddex maalmood ah oo uu madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ku tagay UK.
Hogaamiyayaasha Britain iyo France ayaa soo bandhigay barnaamij lagu celinayo muhaajiriinta ku imaanaya UK iyagoo raacaya doomo yar yar si loogu ogolaado muhaajiriinta kale inay si nabad ah ku galaan UK.
Sida laga soo xigtay Starmer, barnaamijka waxaa la hirgelin doonaa “toddobaadyada soo socda.”
Starmer waxa uu sharraxay in muhaajiriin kasta oo ka soo gudba kanaalka UK la “la hayn doono, la baari doono oo loo soo celin doono France”.
Ra’iisul Wasaaruha oo hadalkiisa sii wataa, ayaa yiri waxaa loo ogolaan doonaa inuu soo galo Dalka “dariiq nabdoon oo sharci ah.” Muhiimad ahaan, ayuu raaciyay Starmer, waddadnka waxa uu u furnaan doonaa keliya kuwa aan mar hore isku dayin inay si aan caadi ahayn u soo galaan Boqortooyada Midowday.”