Ka bilaabata 1 bishaan Oktober ayaa dadka cusub ee Sweden soo galay sanadkii 2010 waxay xaq u yeesheen in ay isku qaataan lacagta soo dhaweynta iyo mushaarkooda haddii ay shaqo helaan.
Qofka cusub ee shaqo hela ayaa ilaa 6 bilood waxa uu qaadan doonaa lacagtiisii hore ee ahayd (Etableringsersättning) iyo mushaarkiisa oo aan waxba ka dhimanayn. 6 bilood ka dib ayaa lacagta soo dhaweynta waxaa laga dhimayaa inta qofku uu mushaar u qaato.
Arintaan ayaa ah fursad muhiim ah oo ay heleen dadka cusub. Muhiimada laga leeyahay ayaa ah in dadka lagu dhiiri galiyo in ay shaqo raadsadaan. Horay ayay u dhacday in dadka qaar ay ku doodayeen in aysan shaqada wax lacag ah uga siyaadayn balse hada ayay muuqataa faa’iido lacageed oo soo jiidasho leh.
Wararka ugu Danbeeyay ee Maanta
AD