Home Wararka Caalamka Dad ku dhintay Weerar ka dhacay Germalka oo Qof Somali ah ka...

Dad ku dhintay Weerar ka dhacay Germalka oo Qof Somali ah ka danbeeyay

0

Weerar ayaa ka dhacay Germalka gaar ahaan magaalada Würzburg halkaasi oo 3 qof ay ku dhinteen isla markana uu dhaawac kasoo gaaray 6 kale.

Sida uu ku waramayo Joornalka Bild ee kasoo baxa Dalka Germalka weerarka waxaa loo adeegsaday tooray waxana dadka badankooda loo geestay dhaawacyo halis ah.

Dhan kale sida uu booliska ku shaaciyay bartiisa Twitterka qofka weerarka geestay ayaa la qabtay markii laga toogtay lugta isla warbaahinta Aftonpladet ay dhankeeda tabisay in dadkaasi uu ku jiro hal qof oo caruur ah.

Warbaahinta DW ee aadka looga akhristo Dalka Germalka ayaa goor dhow shaacisay in qofka weerarka ka danbeeyay uu ahaa wiil 24 sano jir ah oo Somali ah.

ugu danbeyn Sida Somaliska kasoo xigatay warbaahinta gudaha magaalada Würzburg waxaa ku nool dad lagu qayaasay 130,000 kun waxay ku taalaa Bavaria oo u dhaxeysa Frankfurt iyo Nuremberg.

Somaliska Berlin

Xigasho/DW iyo Aftonpladet

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here