Booliska magaaldda Kansas ayaa gacanta ku soo dhigay saddex nin oo ka tirsan kooxaha cunsuriyiinta ah, kuwaas oo qorsheynayey ineey qarax u geeystaan dhismayaal ay degan yihiin soomaali tiradooda gaareyso 150.
Xeer ilaaliyaha Tom Beall, ayaa saxafadda u sheegay ineey fashaliyeen bamkaasi la doonayey in lala beesado soomaalida gobolkaas. Raggan ayaa muddo sideed bilood ah waxaa laga hayey ilaalo,taasoo ugu dambeyntii xalay saqdii dhexe ee geeska Afrika gacanta lugu soo dhigay. Dhismayaalka ay kooxdan naceybku ka buuxo doonayeen ineey bam u adeegsadaan ayaa wuxuu hoy u yahay soomaali kor u dhaaftay boqol ruux, waxaa sidoo kale ku dhex yaala masjid lugu cibaadeeysto.
Xeer illaaliyuhu wuxuu sidoo kale sheegay in raggaan lugu soo oogi doono dacwad ah ineey maleegayaan dil qorsheysan oo laga fuliyo dhismayaal ay degan yihiin soomaalida Kansas.