Home Wararka Caalamka Codsiyada Magangalyada ee Jarmalka oo hoos u dhacay kala bar sannadkii 2025

Codsiyada Magangalyada ee Jarmalka oo hoos u dhacay kala bar sannadkii 2025

0

Jarmalka ayaa sanadkii hore arkay hoos u dhac weyn oo ku yimid codsiyada magangalyada, iyadoo codsiyadii ugu horreeyay ay si aad ah u yaraadeen oo gaareen 113,236 sanadkii 2025, sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Tiradaas waa ka yar tahay kala bar wadarta sanadkii ka horreeyay oo ahayd 229,751, waxayna ku dhowdahay saddex-meelood meel oo keliya 329,120 codsi magangalyo oo la gudbiyay sanadkii 2023.

Siyaasadda socdaalka oo la adkeeyay

Hoos u dhacaas ayaa yimid kaddib markii dowladda Jarmalka ee ay hoggaaminayaan muxaafidku ay adkaysay siyaasadda socdaalka isla markaana ay xoojisay kormeerka xuduudaha.

Tallaabooyinka la qaaday waxaa ka mid ah diidmada dadka laga celiyo xuduudaha, diidmada isu keenidda qoysaska, joojinta nidaamka degdegga ah ee dhalashada, iyo kordhinta masaafurinta muhaajiriinta.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Alexander Dobrindt, ayaa yiri:
“Fariinta cad ee ka timid Jarmalka ee ah in siyaasadda socdaalka ee Yurub ay is beddeshay, waxay gaartay dunida inteeda kale.”

Wuxuu intaas ku daray:
“Kuwa aan xaq u lahayn ilaalin waa inaysan iman; kuwa dambiyada gala waa inay baxaan.”

Wasaaraddu waxay sidoo kale sheegtay in masaafurinta (deportations) ay kordheen ku dhowaad 20% sanadkii 2025.

Si kastaba ha ahaatee, farriintiisii Sannadka Cusub, Ra’iisul Wasaare Friederich Merz ayaa muujiyay in albaabadu aysan gebi ahaanba u xirnayn dadka magangalyada doonaya.

Wuxuu sheegay in dowladdiisu ay ka shaqaynayso abuurista waddooyin cusub oo sharci ah oo loo maro socdaalka, iyadoo la xirayo waddooyinka socdaalka sharci-darrada ah iyo kuwa aan nidaamsanayn.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here