: Tartamadii xagaaga ciyaaraha K-koleyga Sweden ayaa si aad u qurux badanhabeenimadii xalayto o taariikhdu ay ku begnayd 20 JULY 2010 loogu soo gabagabeeyay garoonka K-koleyga ee UNGDOMSHUS I ee ku yalla xafadda Rinkeby.
Ciyaarahasi iyaga ah oo ay qabanqaabadiisa iska lahaayeen Ururka dhaqanka iyo cayaaraha Sweden oo marka la soo gaabiyo loo yaqaan SKIF ayaa waxaa ka soo qaybgalay kooxo ka kala yimid dalalka Sweden iyo Uk, iyo qaar badan oo ka tirsanaa halgamayaashii Isboortiga Soomaaliyeed gaar ahaan K-koleyga.(Legends)
Ciyaarahaasi ayaa waxaa ka qaybgalayay 4 kooxood oo kala ahaa: South Stockholm, West London, Stockholm, Acton Vale iyo Gavle. Waxaana barbar socday ciyaaro dhexmaray Odayaashii cuslaaday ee ciyaarta Kubadda Kolayga.
Sidan ayaa loogu kala guulaystay abaalmarinada:
Kaalinta 1aad kooxda West london
Kaalinta 2aad Kooxda Stockholm
Warbixinta oo dheer iyo Sawiro ka daawo http://www.hiiraan.com/news/2010/July/wararka_maanta22-10510.htm