Home Wararka Caalamka Ciidanka Giriiga oo Cadaadinaya Doomaha Sahriibayaasha ee Ku Socdaala Bada

Ciidanka Giriiga oo Cadaadinaya Doomaha Sahriibayaasha ee Ku Socdaala Bada

0
Foto: Gareth Fuller / PA via AP / NTB Foto: NTB

Dowlada Giriiga gaar ahaan Ciidanka Bada ayaa la sheegay in ay Cadaadis xoogan Saarayaan Doomaha ka gudba bada u dhaxeysa Giriiga iyo Turkiga oo ay isticmaalaan Kooxaha Tahriiba.

Dhacda dhawaan ka dhacday Halkaasi isla markana ay ku dhinteen 600 qof ayaa lagu sheegay in Ciidanka Giriiga ay dayaceen doontaasi kadib markii ay sheegeen in doonta aysan u baahneen badnaadin.

Falkaasi oo argagax ku noqday dunida Caalamka ayaa keentay in Laanta BBC ay baaritaan sameyso waxaan ay soo ogaatay sida wax u dhaceen iyo tilaabada ay qaadeen ciidanka bada Giriiga.

Warbixinta ayaa sidoo kale lagu sheegay in 9 Nin una dhashay Dalka Masar lagu cadaadiyay in ay ahaayeen kuwa wax tahriibiyay.

Labo Qof oo kamid ahaa dadka ka badbaaday doonta ayaa u sheegay BBC in ay jireen Cadaadis la saaray dadkaasi ay in loogu nabo Muqalasnimo.

Dowlada Giriiga ayaa dhoor jeer ku eedeesay Dalka Turkiga in uu caawiyo dadka doonaya inay kasoo tahriibaan dalkooda.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here