Home Wararka Caalamka Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Israa’iil  oo gudaha u galay...

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Israa’iil  oo gudaha u galay Isbitaalka Ibn Sina

0
Foto: Ariel Schalit / AP / NTB Foto: NTB

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Israa’iil  oo u labisan sida shaqaalaha caafimaadka, ayaa Talaadadii gudaha u galay Isbitaalka Ibn Sina ee ku yaalla magaalada la haysto ee  Jenin  ee daanta galbeed, waxayna dileen saddex nin oo Falastiini ah, sida ay sheegeen saraakiisha Israa’iil iyo Falastiiniyiinta.

Xamaas ayaa sheegtay in raggan ay ahaayeen dagaalyahannada Jenin Brigades, oo ah dallad ay ku mideysan yihiin kooxaha hubeysan ee Falastiiniyiinta ee ku sugan Daanta Galbeed.

Ciidamada difaaca Israa’iil (IDF) ayaa sheegay inay yihiin argagixiso xiriir la leh Xamaas iyo Islamic Jihad.

Ciidamada ayaa si gaar ah u galay Isbitaalka, waxayna u dhaqaaqeen dabaqa saddexaad, waxayna dileen dhalinyaradaasi,” sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Falastiin ee WAFA oo soo xiganaysa ilo-wareedka gudaha isbitaalka.

Labo wiil oo walaalo ah, Mohammed Al-Ghawazi iyo Basel Al-Ghawazi, ayaa sidoo kale lagu dilay weerarka, kuwaasoo Israel ay ku tilmaantay hawl-wadeenno “argagixiso”.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here