Dhismaha Dowlada Cusub ee Sweden ayaa socota waxana bilowday Wadahadalo cusub oo u dhaxeeya garabyada midigta kuwaasi oo Dowlada ku heshiinaya.
Dowlada ayaa ah mid Qodobo dhoor ah miiska u saaranyihiin waxana Qasab ah in heshiiska laga gaaro ka hor inta aan dowlada lasoo dhisin.
Waxaa halkan idinkugu soo gudbineynaa Nuuca Canshuurta Cusub.
Dhimista Canshuurta ayaa ah mid fakar ahaan ka mideysanyihiin Xisbiyad Garabka Midig waxana socda Heshiiska ku aadan inta la sameyn karo dhimiska canshuurta.
Meelaha Canshuur dhimista laga sameenayo waxaa kamid ah Shaqada iyadoo shirkada iyo shaqaalaha helayaan canshuur dhimis si xisbiyada ay horay ugu cadeeyeen.
heerka canshuur bixinta Sweden ee maanta ayaa ah mid aad u badan waxana taasi ay saameyn xoogan ku yeelatay shirkado badan iyo shaqaalaha lakin taasi badalkeeda Dowlada ayaa ku kabta dhanka caafimaadka iyo arimaha kale ee bulshada.
ugu danbeyn wada-hadalada xisbyada midigta kadib ayaa la filayaa in la shaaciyo nuuca canshuurta hoos loo dhigayo ee dowlada cusub soo wado.
Lasoco Wararkeena Danbe.
Somaliska Stockholm