Cabas Bashir Hussein, oo dhashay sanadkii 1985, ayaa ku qaatay in ka badan saddex bilood isagoo ku xiran xarunta masaafurinta ee Märsta, isaga oo sugaya in laga tarxiilo Iswiidhan, kadib markii uu waayay deganaanshihiisii joogtada ahaa sababtoo ah inuusan cusboonaysiin waqtigii loogu talagalay, xilli uu ku jiray daaweyn nafsiyeed oo culus gudaha isbitaal.
Cabas wuxuu Iswiidhan kaga yimid Soomaaliya sanadkii 2014 isagoo ku yimid isu keenidda qoyska xaaskiisa awgeed. Wuxuu dalka ku noolaa si sharci ah sannado badan, muddadaas oo uu shaqaynayay isla markaana korinayay afar carruur ah oo ku dhashay Iswiidhan. Inkasta oo sidaas ay tahay, haddana wuxuu hadda wajahayaa khatar ah in lagu celiyo dal uu uga soo cararay dagaal sokeeye.
Imaamka xarunta dhaqanka Islaamka ee Rinkeby, Hussein Farah, ayaa xaqiijiyay in Cabas “uusan ahayn dambiile”, isagoo u sheegay wargeyska Nyhetsbyrån Järva:
“Qoyska si fiican ayaan u aqaan. Waa aabbe qoys oo si adag u shaqeeyay, canshuur bixiyay, dad badan oo aan kula kulmay xarunta xabsiga ma laha wax diiwaan dambiyeed ah.”
Cabas Ayaa ka waramay xaaladda uu ku sugan yahay xarunta, isagoo yiri:
“Shan ilaa lix qof ayaa wadaaga hal qol, waaxduna waxay ka kooban tahay ku dhowaad 40 ilaa 50 nin, intooda badan waa rag da’dayda ah oo carruur leh, muddo dheer ku noolaa Iswiidhan.
Wax aan sameyno ma jiro. Xitaa hurdadu way adag tahay. Waxaan dareemaynaa inaan ku jirno xabsi.”







