Bartamaha Caasimada Stockholm waxaa shalay oo Axad ah lagu qabtay Banaan-bax weyn oo looga soo horjeedo gubista quraanka Kariimka.
Dhawaan ayay aheyd markii quraanka Kariimka lagu gubay halka lagu qabtay Dibad-baxa meel aanan sidaasi ugu fogeyn xili lagu jiray Mid kamid ah Ciidaha Islaamka.
Dowlada Sweden ayaa ka hadashey dhacdada lakin waxay raacisay in aysan caburin karin Xuriyatul Qowlka.
Falkaasi lagu gubay Quraanka ayaa keenay in laga kaco guud ahaan dunida islaamka iyadoo laga soo horjeedo falkaasi lagu sameeyay gudaha dalka sweden.
Maahan markii ugu horeesay oo Qoraanka kariimka lagu gubo gudaha dalka Sweden waxaa horay sidaan oo kale u gubay nin asal ahaan kasoo jeeda Dalka Denmark oo lagu magacaabo Paluden
Wararka kale ee Maanta
AD