Home Wararka Caalamka Boqor Charles oo Kansar laga helay

Boqor Charles oo Kansar laga helay

0

Qasriga looga arrimiyo Boqortooyada Ingiriiska ee Buckingham Palace ayaa Isniinti shalay aheyd ku dhawaaqay in Boqorka Boqrtooyada Midowday ee Ingriiska ee Boqor Charles laga helay nuuc ka mid ah cudurka Kansarka.

War kasoo baxay Qasriga Boqortooyada ayaa lagu sheegay in Boqor Charles uu hakin doono howlihi uu u hahay shacabka si loo daweeyo, balse ay niyaddiisu wanaagsan tahay.

Charles, oo 75 jir ah ayaa loo boqray boqortooyada bishii September ee sannadki 2022-ki, kaddib geeridi hooyadiis Queen Elizabeth.

Warka kasoo baxay boqortooyada Ingiriiska ayaa sidoo kale lagu sheegay in Charles uu billaabay in uu qaato dawooyin dhowr ah oo loogu tala galay in lagula tacaalo kansarka laga helay, islamarkaana uu rajeynayo inuu dib ugu soo laabto shaqadi uu u hahay dadweynaha sida ugu dhaqsaha badan.

Soo ifbixidda kansarka ee Boqor Charles ayaa timidm kaddib saddex habeen oo uu bishi hore ku jiray isbitaal, halkaas oo uu ku maray qalliin looga daweeynayay qanjirka burustaatada.

Hogaamiyaasha Australia iyo Canada, oo ka mid ah dalalka hoos yimaada taliska Boqor Charles ayaa u rajeeyay caafimaad, halka madaxweynaha Mareykanka Joe Biden uu sheegay inuu ka wal-walsan yahay warka kasoo yeeray boqorka, islamarkaana uu qorsheynayo inuu telefoonka kula hadlo.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here