Home Wararka Caalamka Booliska Sweden oo Shatiga gaari Wadista kala Noqday Nin Waday Gaari uu...

Booliska Sweden oo Shatiga gaari Wadista kala Noqday Nin Waday Gaari uu Baraf ka buuxay Muyaaradihiisa

0

Booliiska ayaa joojiyay nin da’diisu ku dhowdahay lixdamaad, kaddib markii uu gaari watay isagoo muraayadaha gaadhiga ay daboolayeen baraf iyo dhaxan, taasoo sababtay aragti aad u liidata inta uu wadayay.

Dhacdadan ayaa ka dhacday waddada Dag Hammarskjöld ee magaalada Uppsala, halkaas oo roondo booliis ah ay ku arkeen in darawalku uusan ka nadiifin barafka muraayadaha gaadhiga, arrintaas oo khatar ku ah badbaadada guud.

Sida ay booliisku ku sheegeen boggooda internetka, waxaa isla markiiba laga qaaday laysanka wadista, waxaana sidoo kale laga furay dacwad rasmi ah oo lagu eedeeyay “wadis khatar ah.”

Booliiska Iswiidhan ayaa si joogto ah uga digaya khataraha wadista gaadiidka marka cimiladu xun tahay iyada oo aan la qaadan taxaddarrada lagama maarmaanka ah. Waxay sidoo kale adkaynayaan in dayacaadda nadiifinta muraayadda hore iyo daaqadaha ay tahay xadgudub taraafik oo halis ah, kaasoo keeni kara in laysanka wadista si degdeg ah lagaa qaado.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here