Nin 25 jir ah ayaa laga toogtay lugtiisa, magaalada Västra Frolunda ee gobolka Göteborg maanta toogashada waxaa fuliyay askari Boolis ah.
Afhayeenka booliska Hans-Jürgen Ostler ayaa xusay in askariga goobta ku sugnaa lagu qasbay inuu isticmaalo hub.
Waxaa la tuhunsan yahay in ninkaasi uu isku dayey inuu gacan ka geysto oo u hanjabo askariga shaqada ku jiray.
Booliska magaalada Västra Frölunda ayaa saacadu markay ahayd 4:00 galabnimo lagu wargaliyay in nin hubaysan uu halkaas joogo.
Sida xogta aan ku helayno booliska ayaa sheegaya in qofkaasi uu sitay bastoolad, balse lama hayo wax war ah oo ku saabsan wixii goobta ka dhacay ka hor inta uusan askarigaasi toogan.
Sida uu qabo sharciga Iswiidhen, marka askariga uu qofka ku rido hubkiisa, waxaa baaritaan horudhac ah bilaabaya waaxda dambi baarista ee gaarka ah.