Home Wararka Maanta Booliska Sweden oo loo xilsaaray inay xoojiyaan raadinta dadka aan sharciga haysan...

Booliska Sweden oo loo xilsaaray inay xoojiyaan raadinta dadka aan sharciga haysan si loo kordhiyo masaafurinta

0
Photo/tt

Dowladda Sweden ayaa ku dhawaaqday qorshe cusub oo lagu xoojinayo la socodka gudaha ee ajaanibta inta lagu jiro sanadka 2026, iyadoo ujeedadu tahay in la helo dad badan oo ku nool dalka iyagoo aan haysan ruqsad, iyo in la hirgeliyo tiro badan oo ah amarrada masaafurinta.

Tallaabadan ayaa qayb ka ah istaraatiijiyad ballaaran oo lagula dagaallamayo waxa loogu yeero  “bulshada is barbar socota,” iyadoo dowladdu ay ku qiyaastay in in ka badan 100,000 oo qof ay ku nool yihiin bilaa sharci dalka Sweden.

Wasiirka Socdaalka Johan Forschel ayaa u sheegay TV4 in tallaabooyinka cusub ay ujeedadoodu tahay “xoojinta dadaallada ka dhanka ah dadka ku nool xaaladaha nugul, kuwaas oo laga yaabo inay galeen dambiyo, ama khatar ku ah amniga dalka.”

Mashruuca cusub waxaa ka mid ah isku-dubaridka booliska, adeegga socdaalka iyo adeegga xabsiga, si loo horumariyo isticmaalka xarumaha xabsiyada iyo abaabulka wareejinta, taasoo suurtogalinaysa hirgelinta go’aannada masaafurinta xitaa marka qofka ay khuseyso uusan iskaashi samayn

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here