Home News in English Booliska Sweden oo Digniin kasoo saaray Dilalka ka dhaca Dalka oo sii...

Booliska Sweden oo Digniin kasoo saaray Dilalka ka dhaca Dalka oo sii kordhaya

0
Foto: Jonas Carnesten/Sveriges Radio

Tirada dadka lagu dilay toogashooyinka ayaa kordhay 40 boqolkiiba tan iyo sannadkii hore.

Isla mar ahaantaana, khatarta dhibbanayaasha aan waxba galabsan ayaa kordheysa.

– Waxaan leenahay sida ay yihiin. Waxa na haysata xaalad aad u halis ah, ayuu yidhi taliyaha bilayska qaranka Anders Thornberg.

Xalay fiidkii nin iyo naag ayaa ku dhaawacmay kadib markii lagu rasaaseeyay guri dabaq ah oo ku yaala Enköping. Magaalada Stockholm , bas ayaa xalay lagu rasaaseeyay – sida uu sheegay taliyaha bilayska qaranka Anders Thornberg , waxay ahayd “nasiib” in qofna uusan dhaawacmin.

Dhacdooyinka naxdinta leh ee dhawaan dhacay awgeed, boolisku waxay qabteen shir jaraa’id galabnimadii Jimcaha.

Rabshadaha iyo qaraxyadu waxay gaadheen heer aynaan hore u arag, ayuu yidhi Anders Thornberg.

– 48 qof ayaa la toogtay sanadkan, 48! Mana jirto wax calaamad ah oo muujinaya inay hoos u dhigi doonto baaxadda, ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here