Wararka ka imaanaya dalka Sweden ayaa sheegaya in booliska dalka Sweden ay ka digeen lacago been abuur ah oo gaaraya 500 oo karoon oo laga sameeyay waqooyiga dalka.
Kaliya maalmihii ugu dambeeyay, dhowr kiis oo qadaadiic been abuur ah ayaa la soo sheegay.
Maanta, bilaysku waxay baaritaan ku sameeyeen guri ku yaal Sundsvall iyagoo uga shakiyay qadaadiic been abuur ah .
Markii la baarayay guriga, ayaa waxaa laga helay lacago laga shakiyay, balse wax dambi ah laguma soo oogin in qof ka mid ah dadkii gurigaasi deganaa uu sameeyay fal been abuur ah.
Lacagaha been abuurka ah ayaa ka soo muuqday Västernorrland, Jämtland, Norrbotten iyo Västerbotten.
Booliska ayaa ka codsaday cid kasta oo hesha lacag been abuur ah inay la soo xidhiidhaan.
“Waqtigan la joogo kiisas badan ayaa ka jira halkan Sundsvall, laakiin dhab ahaantii waxaan sidoo kale ka helnay kiisas la mid ah gobolka waqooyiga oo dhan,” Michael Artzing, kormeeraha bilayska iyo madaxa baaritaanka hordhaca ah ee xarunta khayaanada ee Sundsvall ayaa u sheegay TV-ga Sweden.