Home Wararka Caalamka Bixinta Sharciga Deganaanshaha Rasmiga ee Sweden oo meesha laga saarayo

Bixinta Sharciga Deganaanshaha Rasmiga ee Sweden oo meesha laga saarayo

0

Dowlada Sweden iyo Xisbiga SD ayaa ku tala jira in meesha laga saaro bixinta Sharciga Deganaanshaha ee Dalka iyadoo taasi badalkeeda qof walbo la siinayo Sharciga Deganaansho oo ku meel gaar ah marka uu helo Qabilaad Qaxootiga ama mid kale.

Heshiiska oo horay u gaareen Dowlada iyo Xisbiga SD ayaa lagu magacaabaa Tidö Waxana Xukuumada ay hada ku tala jirtaa in Sharcigan la hirgaliyo isla markana laga bilaabo guud ahaan dalka.

Qofka Dacwad ahaan lagu keeno wadanka midka Qaxootig ahaan loo soo qaado iyo kuwa kale ee dalka la hela magangalyo ayaa dhamaantood helaya sharciga Deganaansho oo ku meel gaar ahaan ah marka uu bilowdo sharcigan.

Sharcigan Cusub ayaa ah mid saameyn xoogan ku leh Qaxootiga Cusub madama qofka dib looga ceshan karo Sharciga hadii ay soo hagaagto Xaalada Wadanka uu kasoo tagay ama uu dambiyo ka galo wadanka.

Shaki weyn ayaa galaya qofka Qaxootig kasoo raadsada Dalka Sweden sida uu qabo Gabriel Donner oo ku takhasusay dhanka Sharciyada.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here