Nin ayaa la dhaawacay ka dib markii dhowr jeer lagu tooriyeeyay waddo ku taal bartamaha Malmö subaxnimadii hore ee Sabtida.
Sida ay sheegeen Booliska, waxaa soo gaaray dhaawac halis ah, waxaana loo qaaday isbitaal si loogu dabiibo.
Booliska ayaa xiray goobta uu fal dambiyeedka ka dhacay, taasi oo muujineysa in ninka la beegsaday uu ku lug lahaa rabshado ka dhacay magaalada Bangatan ee magaalada Malmo.
Ilaa hadda ma jirto cid loo qabtay fal-dembiyeedka.
“Farsamo-yaqaannada booliiska ayaa goobta joogay subaxnimadii, haddana waxaan ururin doonnaa macluumaadka aan hayno,” ayuu yiri afhayeenka booliiska Jamie Modine.
Dhacdadan ayaa loo baarayaa inay tahay isku day dil.
Wararka kale ee Maanta
AD